Isbaheysiyo iyo ololeyaal iska horjeeda ayaa ka dhex socda xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, taasoo welwel ku abuurtay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Iyadoo ay taagan tahay xaaladda ka dhalatay go’aanka maxkamadda sare ee Soomaaliya ka gaartay 8 kursi oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayay xaaladu isu bedeshay olole isbaheysi raadis.
Kooxihii Qabyo iyo Horusocod ayaa helay fursad ay xildhibaanno badan ku kiciyaan oo ay taageero uga helaan mooshinka ka dhanka ah Wasiirks Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Arrintan ayaa ka dhalatay go’anka maxkamadda sare oo xildhibaanada ay tuhunsan yihiin inuu madaxweyne Farmaajo taageersan yahay, laakiin waxaa qarxiyay Wasiir Xoosh oo baraha bulshada ku weeraray qaraarkii xildhibaanka isku difaacayeen.
Fursadda ugu weyn ee xildhibaanadii Qabyo iyo Horusocod heleen ayaa ah in Wasiir Xoosh uu doonayo laalista 67 xildhibaan oo dacwad ka jirtay kuraastooda, sidaasina ay halis geli doonaan kuraasta ay ku fadhiyaan 25% Baarlamaanka.
Dadaalka madaxweyne Farmaajo uu xilli danbe ku soo farageliyay xaaladdan ayaa socda, inkastoo aan la ogeyn inuu ku guuleysan doono, waxayna tijaabo u tahay 6 bilood kadib doorashadiisa taageerada uu ka heysto Baarlamaanka.
Goobjooge