Sunday, July 13, 2025

XOG: Xildhibaannada Kooxda Qabyo oo Qaadacay ka qeybgalka Munaasabadda Midowga Galmudug

Xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda kooxdii Qabyo ayaa gebi ahaan qaadacay inay ka qeyb galaan munaasabadda midowga Galmudug iyo dhameystirka heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug.

Xildhibaannadan oo u badan mas’uuliyiin wasiiro ka soo ahaa dowladii hore ayaa kuwa kasoo jeeda degaanada Galmudug ay ka baaqsadeen inay tagaan magaalada Dhuusamareeb, iyagoo diidan inay qeyb ka noqdaan soo dhoweynta madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo colaad siyaasadeed kala dhaxeyso.

Taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa la sheegay inuu keli ku noqday tegista magaalada Dhuusmareeb, waxayna wararku sheegayaan inuu isagu halkaasi u joogo dano shaqsi ah iyo qorshe uu ku doonayo in xil sare looga magacaabo dowladda Farmaajo iyo Kheyre.

Xildhibaannadii labada Gole ee isbaheysiga mucaaradnimo la lahaa kooxda Qabyo ayaa iska xaadiriyey degaanada Galmudug, iyadoo ay ka mid yihiin Abshir Bukhaari, Axmed Macalin Fiqi, C/xakim Macalin iyo xubo kale, taasoo muujisay in mucaaradnimadooda aanay u xoog badneyn sida Damjadiid ama Qabyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON