Monday, July 14, 2025

XOG: Xildhibaannada taageersan Madaxweyne Farmaajo oo maanta qabanaya Bandhig dhoolatus ah

Xildhibaannada taageersan Madaxweynaha Mooshinka xil ka qaadistiisa la isku heysto Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta qabanaya bandhig dhoolatus ah oo ay ku soo bandhigayaan tiradooda.

Xildhibaanandan oo ay ka dhex muuqdaan wasiirada ka tirsan Baarlamaanka ayaa abaabulkooda socday saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay, waxayna hotel ku yaalla magaalada Muqdisho ku leeyihiin maanta kulan Qado ah oo ay ku muujinayaan taageerada madaxweyne Farmaajo.

Qaar ka mida xildhibaannada taageersan madaxweynaha, kana soo horjeeda Mooshinka laga keenay ayaa sheegay inay tiradooda ka badan tahay 150 xildhibaan, ayna diyaariyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Bandhigga xildhibaannada iyo shirarka ka dhacaya hoteellada Muqdisho waxay dadka soo xusuusiyeen ololihii doorashada madaxweynaha ee aakhirkii sanadkii 2016 iyo horaantii sanadka 2017.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON