Xildhibaano dhowr ah ayaa loo ogolaaday inay arkaan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa ka codsaday Ra’iisal Wasaare Kheyre inay arkaan Siyaasiga, iyadoo loo ogolaaday 3 xildhibaan in la tusiyo siyaasiga, waxaana uu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kherye taliska NISA ku amray in xildhibaanadaasi fursad loo siiyo la-kulanka siyaasiga isla markaana si xoriyad ah ula hadlaan.
Saddexda xildhibaan ayaa kala ahaa C/raxmaan Odowaa, Axmed Macalin Fiqi iyo C/xakiim Macalin Axmed, waxaana xarunta dhexe ee NISA magaalada Muqdisho geeyay gawaari ay leedahay NISA.
Xildhibaan C/xakiin Macalim Axmed oo ka mid ah xubnaha booqday ayaa sheegay in ay soo arkayn maxbuuska ah, isla markaana ay xaaladiisa wanaagsan tahay, waxay sidoo kale sheegeen inuu ku jiro gacan amaan ah iyo meel wanaagsan oo aan xabsi la geynin oo xoriyadda kaliya ay ka maqan tahay. Wuxuu intaas ku daray in dhaawaca gaaray C/raxmaan C/shakuur uu yahay mid yar oo lala tacaalay, wax dhibaato ahna aanay ka jirin caafimaadkiisa.