Maamulka cusub ee Galmudug ayaa dhibaato kala kulmay sidii uu u heli lahaa kharashkii ay dowladda Federaalka Soomaaliya siiso maamul Goboleedyada oo hore looga xayiray Madaxweynihii hore Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Xog ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ay shuruud ku xirtay in madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo maamulkiisa loo fasaxo lacagihii hore, loona bilaabo kharashkii dowladda federaalka siiso maamul Goboleedyada oo bishii gaaraya 150-kun Dooalar, taasoo dhalisay dib u dhac ku yimaado howlihii maamulka cusub.
Wasaaradda Maaaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dooneysa Maamulka madaxweyne Qoorqoor ee Galmudug in Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ay la timaado qorshe ay ku dalbaneyso lacagta dowladda Federaalka iyo xisaab xir, lagana rabo sidoo kale inay soo saarto kharash ay gudaha maamulkaasi ka ururiso.
Madaxweynaha aan weli la caleemo saarin ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo aan sidoo kale weli magacaabin Gole Wasiiro ayaa isugu yeeray kulan wasiiradii hore ee Galmudug oo qaarkood xilalkii uu ka qaaday madaxweynihii hore ee Xaaf, waxaana dib loo soo nooleeyay Wasaaradii Maaliyadda taasoo dadaal ugu jirta inay kasoo baxdo shuruudaha Wasaaradda Maaliyadda si lacagtaasi ay loo siiyo maamulka cusub.
Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa qaaday tallaabo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee taageersan kula wareegayaan koontarooladii canshuuraha lagu qaadi jiray ee Galmudug oo ay gacanta ku hayeen Ahlu suna, siiba magaalada Dhuusamareeb iyo Guriceel.