Xisbigii Madaxweynaha talada haya ee (NN) ayaa ugu dambeyn codsi diiwaangelin ah loo geeyay xafiiska Guddiga Qaran ee Doorashada Qaranka.
Xisbigan oo in muddo ah laga sugayey ayaa qaab dhismeedkiisa iyo xeerkiisa u gudbiyey Gudiga Doorashooyinka 6 bilood ka hor xilliga Doorashada Baarlamaanka cusub, waxaana uu ka mid noqon doonaa Xisbiyadda Axsaabta ee KMG ah.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hore u lahaa xisbigii la oran jiray TAYO ee lagu kala tegay ayaa hadda la filayaa inuu qaato magaca ‘Nabad iyo Nolol’ oo ahaa halku dheg uu doorashaa ku galay Farmaajo sanadkii 2017, waxaana guddoomiye KMG ah ugu qoran Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin xubnaha kale ee xisbiga.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo la-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ay tallaabadan qaadeen, iyadoo aan kala tashan dhinaca Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, mana jirto wax heshiis ah oo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka gaareen arrinta Xisbigan cusub iyo mustaqbalka wadajirooda Doorashada soo socota.
Ma cadda in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay hal xisbi ka wada mid noqon doonaan Doorashada soo socota, laakiin waxaa muuqata in dhinaca Madaxweynaha ay gaar isaga sooceen Ra’iisal Wasaare Kheyre xilligan hadda la joogo.