Tuesday, July 8, 2025

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo socdaal aan la shaacin ku tegay Muqdisho

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain ayaa saaka socdaal aan la shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho sida ay sheegeen ilo ku sugan safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Xoghayaha Boris Johnson ayaa la sheesgay in socdaalkiisa Muqdisho uu la xiriiro xaaladda abaaraha Soomaaliya iyo gargaar Ingiriisku ku dhawaaqayo inuu siinayo dallaaa bariga Afrika ee abaaruhu ku dhufteen.

Socdaalka xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa ku soo beegmay iyadoo hay’adaha UK ay ku dhawaaqeen olole lacag loogu ururinayo caawinta 16 milyan qof oo qarka u saaran macaluul dalalka Bariga Afrika.

Xoghaya UK ayaa la kulmi doona madaxda dowladda Soomaaliya  oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON