Monday, June 23, 2025

Xoghayaha guud ee Q/Midoobay oo Bayaan Culus kasoo saaray Xaaladda Somaliya iyo dagaalada Muqdisho

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa Bayaan kasoo saaray iska hor imaadyada ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xaalada khilaafka Doorashada Soomaaliya.

Bayaanka oo uu akhriyey afhayeenka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Stéphane Dujarric ayaa lagu sheegay in Xoghayaha guud uu aad uga walaacsan yahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Xogahayaha guud wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed ay ka waantoobaan qalalaase dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo tanaasul” ayaa lagu yiri Bayaanka Xoghayaha Guud Antonio Gutters.

Xoghayaha guud wuxuu ku boorinayay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib ugu bilaabaan wadaxaajoodka isla markaana ay abuuraan heshiis ku saleysan hannaankii Doorashada ee 17-kii Sebtember iyo soo jeedintii Baydhabo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON