Monday, June 23, 2025

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha: “Caruurteyda hooyadood ayaa noqotay Senatoor Aqalka sare ee Hirshabeelle”

Xoghayaha wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibaahim ayaa shaaciyay in xaaskiisa ay noqotay senator kamida Aqalka sare ee Soomaaliya.

Saacad kadib markii ay Naciimo Ibraahim Yuusuf noqotay xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ayuu bartiisa soo dhigay hambalyada uu la wadaagay dadka Soomaaliyeed, laakiin kursigan oo loo qoondeeyay beesha Gaaljecel ayaa ahaa mid muran badan ka taagnaa oo mar dib loo dhigay.

YaxyeUgaaska Beesha iyo waxgaradka ayaa isla shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar isagoo sheegay in Beesha looga baxay heshiis hore loola galay oo ahaa in laba xubnood laga siiyo aqalka sare.

Ad

Ma jirin doorasho loo galay kursigan markii ay ka tanaasuleen musharixiintii haweenka ahaa, taasoo ahayd qorshe laga soo shaqeeyay, waxaana si gacan taag ah keligeed loogu codeeyay xaaska Yaxye Cali Ibraahim.

Xaaska madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa laga saaray liiskan, laakiin waxaa bedelkeed ku soo baxay xaaska xoghayaha joogtada ay ee wasaaradda arrimaha gudaha oo ahaa mid kamida mas’uuliyiinta gacanta weyn ku lahaa shirkii Jowhar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON