Wednesday, June 25, 2025

Xoghayihii laga saaray Xisbiga Sheekh Shariif oo shaaciyey arrimaha ay isku qabteen & sida uu ku taageeray Xukuumadda

Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyey sababtii keentay inuu xisbiga laga saaro, wuxuuna soo dhoweeyay inuu ka tago xisbigaasi.

“Waxaan soo dhaweynayaa aqblaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay. Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb..” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Xisbiga Himilo in xaaladda Galmudug ka dhex raadinayaan dano siyaasadeed oo uu uarkay inaysan deegaanka dani ugu jirin, wuxuuna caddeeyay inuu xukuumadda Soomaaliya ku aragti noqday marka ay timaado dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xoghayihii hore ee Xisbig Himilo Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed.

Warar hoose ayaa sheegaya in xildhiban C/xakiin uu u ololeynayo musharaxa ay wadato dowldda Soomaaliya ee xilka Madaxweynaha Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON