Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ugu yeeray taliyeyaasha ciidamada Dowladda Federaalka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada.
Xogta laga helay kulanka ayaa sheegaysa inuu kulanku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin oo sida ka muuqatay ku shaqeynaya magaca La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, siina haya xilka Hay’adda NISA.
Kulanka ayaa waxaa xaadira Taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha ciidamada Milatariga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, Taliyaha NISA ee G/Banaadir Yaasiin Fareey oo uu Agaasimaha NISA u magacaabay Farmaajo, waxaana sidoo kale lama filaan ahaa inuu Fahad kulanka ku wehliyey Guddoomiyaha G/banaadir iyo Xildhibaan C/raxmaan Dheere.
Taliyeyaasha ayaa la sheegay in lagu amray inay Telefoonadooda bannaanka kusoo reebaan, waxaana uu Fahad kulanka isa muujiyey nin ku shaqeynaya awoodda Farmaajo oo ay ka muuqatay inuu xaalad kacsan oo aan hore loogu arag.
Xogta uu la wadaagay Fahad Yaasiin taliyeyaasha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ahayd go’aano amni, kiiska Ikraan Tahliil iyo sida uu ku dhammaan doono khilaafka Farmaajo iyo Rooble, wuxuuna taliyeyaasha ku amray inay howlahooda ku ekaadaan, ayna amarka ka qaadan doonaan isaga.
Kulanka ayaa la sheegay inuu ka horeeyay shirar kale oo Fahad Yaasiin la yeeshay saraakiisha Hay’adda NISA, kuwaas oo si cad loogu sheegay in Hay’adda NISA aanu maamuli doonin qof dibadda laga keenay.
