Monday, June 23, 2025

Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay in Ciidamada amniga howlgal ay ka sameeyeen degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ka taliyaan Sbabaab lagu soo qabtay Xubin ka tirsanaa Ururkaasi.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha canshuurta ah, iyadoo aan faahfaahin laga bixin magaca qofka la qabtay iyo muuqaalkiisa midna.

‘Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha AS” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON