Ciidanka nabadsugidda ee NISA ayaa shaaciyay inay qabteen xubin ka tirsan amniyaadka Alshabaab ah oo ka howlgeli jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.
War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay degmada Shibislagu soo qabtay Xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab fulin jiray dilalka qorsheysan ee ka dhaca degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.
“Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Xubin Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay” ayuu lagu warka NISA.
Wax faahfaahin ah lagama bixin ninka la qabtay, iyadoo aan saxaafada loo soo bandhigin, wuxuuna howlgalkan ka mid yahay warar ay baraha bulshada ku baahiso NISA oo aan la xaqiijin karin.