Thursday, July 17, 2025

Xubin ka tirsanaa Amniyaadka kooxda Alshabaab oo shaaciyey in lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Xubin ka tirsan kooxda amniyaadka Alshabaab ee ah kuwa fuliya dilalka qorsheysan ee loo yaqaan ‘Madax jebiska’ ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Howlgal ay qaadeen ciidamada NISA ayaa la sheegay in lagu soo qabtay mid ka mida ciidamada amniyaadka ee Alshabaab, sida ay baahisay Hay’ada NISA oo dhowaan dib u bilowday inay baahisay waxqabadkeeda.

“27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida…” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay NISA.

Faahfaahin lagama bixin magaca qofka la qabtay iyo goobta lagu qabtay midna, waxayna arrintan ka mid tahay warbixinno qabyo ah oo Hay’adda NISA dadka la wadaagto muddooyinkan danbe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON