Saturday, July 5, 2025

Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ee xilalka laga qaaday oo lagu amray inay ka baxaan Hotel ay degan yihiin

Toddoba xubnood oo ka tirsanaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa diiday inay ka baxaan Hotel ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho, kadib markii xilka uu ka qaaday Ra’iisal wasaaraha.

Xubnahan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Guddiga ayaa diiday inay ka baxaan Hotelka, iyagoo ka hor yimid amar uu siiyey Wasiirka Amniga, waxayna ku doodayaan inaysan sharci ahayn xil ka qaadistooda.

Wararka laga helayo Hotelka ay degan yihiin Guddiga ayaa sheegaya inuu halkaasi gaaray Wasiirka Amniga oo amar ka heysta Ra’iisal wasaare Rooble, isagoo xubnaha xilka laga qaaday ka dalbaday inay ka baxaan Hotelka Shabeel, taasoo buuq ka dhaisay halkaasi.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa la sheega inay taageerayaan xubnaha xilka laga qaaday, waxaana muran hareeyay Guddiga oo hadda wajahaya xaalad adag, isla markaana ay suuragal tahay in lagu fuliyo amarka Rooble ee ah in laga saaro Hotelka ay dowladdau dejisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON