Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari ay amartay in xabsiga laga sii daayo afar xubnood oo ka mida Guddiga Dhismaha Wadadda bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Sii deynta Xubnahan oo ka kooban afar xubnood ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo aan la sheegin ciddii ay xirnaayeen, waxaana culeys weyn xarigooda kala kulantay xukuumadda Puntland ee Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
Xubnihii ugu horeeyay ee ka mida Guddiga ayaa la xiray Khamiistii hore, markii maamulka Puntland uu ka dalbaday inay dib u celiyaan lacag ay guddiga ugu deeqday ay dowladda Federaalka Soomaaliyaoo qeyb ahaan ay istixmaaleen, waxaana kadib isna la xiray guddoomiyihii Guddigaasi Sheikh Maxamed Macallin Axmed oo safar ku maqnaa .
Markii maanta la hor geeyay Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Bari ayaa la sheegay in xorriyadooda dib loogu celiyay, iyadoo la sheegay in wax dembi ah lagu waayey, lama oga tacadiga loo geystay waxa ay ku muteysteen.