Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, looga qabsaday Gaari ay wateen.
Howlgalka ayaa waxaa wadajir u fuliyay Ciidamadda Xoogga dalka ee Gorgor iyo kuwa Galmudug ayaa ka dhacay duleedka magaalada Gurieel, waxaana lagu dilay lix ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale waxay ciidamadu ku qabsadeen Gaari PRADO ah oo ay wateen ragaas.
Gaariga ayaa laga helay Hub iyo Qaraxyo diyaarsan oo ay doonayeen inay weerarro ku fuliyaan, waxaya ciidamadu soo bandhigeen Gaariga, Qaraxyada iyo hubka saarnaa.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabo Daa’uud Ibrahim Shaambil oo Alshabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel.


