Monday, June 23, 2025

Xubno Alshabaab u qaabilsan Dilalka iyo Weerarrada Qorsheyan oo lagu qabtay Muqdisho & NISA oo…

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ciidamada ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banadir lagu soo qabtay dabley iyo hub.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa nolosha lagu qabtay shakhsiyaad la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo hubkooda. Howlgalka ayaa ka dhacay Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, waxaana ragga lasoo qabtay lagu eedeeyay inay dilalka iyo weerarada qorsheysan ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.  

Ad

“Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda NISA ayaa marar badan faafisay howlgallo ay fulisay caasimadda iyo xubno ay gacanta ku dhigtay iyadoo aan faahfaahin badan laga bixin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON