Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa lagu qabtay xubno la tuhunsan yahay inay Alshabaab yihiin, kadib hwolgal halkaasi ka dhacay.
Taliyaha Nabadsugidda degmada Galkacyo ee dhinaca Galmudug Gaashaanle Xasan Axmed Cali, ayaa sheegay in ciidamada NISA ay xalay howlgal ka fuliyeen Konfurta Galkacyo ku qabtay afar dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaaboo halkaas uu soo diraty.
Howlgalka ayaa ahaa mid qorshaysan oo looga hortegayo falal amni darrada ah oo Al-Shabaab ay ka gaystaan Gaalkacyo xilliga doorashada.
Magaalada Galkacyo, dhinaca Galmudug oo la filayo in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan ayaa waxaa ka socda howlgallo lagu xaqijinayo amniga.
Taliyaha NISA ee Galkacyo ayaa sheegay inay hayaan xog ku aaddan in maleeshiyada Al-Shabaab ay qorshaynayaan in magalada Galkacyo ay ka geystaan falal lagu carqaladeynayo nabagalyada magaalada.
