Sunday, July 6, 2025

Xukun lagu riday koox ay ka mid yihiin Haweeney iyo Gabadheeda oo Alshabaabnimo lagu helay (Warbixin)

Xubno lagu eedeeyay Shabaabnimo oo ay ku jiraan Haweeney iyo Gabar ay dhashay ayaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, iyadoo xabsiyo kala duwan lagu xukumay.

Kooxdan ayaa ka koobneyd lix xubnood, waxaana ku jiray Safiyo Cali Guure iyo Gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Nasra Daa’uud Ismaaciil, waxaana lagu soo eedeeyay inay hooyada hubka iyo bambooyinka u heyn jirtay kooxdan ayna deganeyd degaanka Oodweyne, iyagoo gabadheeda ka dhigatay ku xigeen.

Safiyo Cali Guure ayaa las heegay inay bishii ka qaadan jirtay Alshabaab lacag dhan 165 Doolar, lagana bixin jiray kirada Guriga, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, halka gabadheeda Nasra Daa’uud lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

Kooxda inteeda kale waxaa lagu kala xukumay xabsiyada soo socda:

1: Cabduqaadir Abuukar Xasan oo ahaa isku duwaha Xubnahan ka tirsan Al-Shabaab iyo howlgeliyahooda waxaa lagu xukumay xabsi daa’im.

2- Cabdiqani Xasan Xaashi uu ahaa Madaxa qarsoon ee Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, waxaa lagu xukumay 15 sano xabsi ah.

1:  Sakariye Xasan Yuusuf ayaa lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee laga fuliyo Magaalada muqdisho, sidoo kalena uu ku tuuray bam aan khasaaro geysan Dugsiga 21 Oktoober ee degmada Howl-Wadaag waxaa lagu xukumay xabsi 15 sano ah.

2: Maxamed Ciise Sheekh Cumar oo lagu helay in uu bambooyin aan  khasaaro geysan ku tuuray Baraha Koontorol ee Ciidamada dowladda ku leeyihiin laamaha Al-Baraka iyo Warshadda Biyaha Caafi, waxaana lagu xukumay xabsi 15 sano ah.

Kooxdan ayaa howlgalladii ay fuliyeen guulo ka gaarin, waxayna hayeen kuwo ku cusub magaalada oo laga soo kala qabtay degmada Deeyniile, degaanka Ceelasha Biyaha, Yaaqshiid iyo degmada Hodan Bishii November ee sanadkii 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON