Saturday, July 12, 2025

Xukuumadda oo fulisay Qodobkii ugu weynaa ee uu dalbaday Guddoomiye Jawaari & Ciidamadii ilaalada Baarlamaanka…

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ciidankii hore u joogay Xarunta Baarlamaanka magaalada Muqdisho dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka.

Ciidamadan ayaa gaaraya 114 askari oo boolis ah si gaar ahna loogu tababarray ilaalada Xarunta  Baarlamanka ayaa si toos a h u hoos taga guddoonka Baarlamaanka. Waxaana amniga dhismaha baarlamaanka kala wareegay ciidamo Boolis ah oo gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.

Mas’uuliyiin ka dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in cidankaasi saaka lagu soo celiyey dhismahama baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan mas’uuliyadda amniga gudaha ee dhismaha, waxayna tallaabdan ka danbeysay cadaadis weyn oo beesha caalamka ay saartay xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dib u soo celinta ciidamadii ilaalada Baarlamaanka iyo in laga qaado xarunta ciidmada ay xukuumaddu dhigta ayaa ahaa mid ka mida Dalabyadii ugu waaweynaa ee guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON