Friday, July 4, 2025

Xukuumadda Rooble oo Amar kusoo rogtay Taliyaha Ciidamada Badda iyo xaaladdii oo is-bedeshay

Xukuumadda Federaalka ayaa amar ku soo rogtay Taliyaha Ciidamada Badda oo dhowaan eedeyn dhul boob ah warbaahinta uga jeediyey Ra’iisal wasaaraha.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay inuusan dalka ka bixi karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Qoraalka Wasiirka Amniga ayaa lagu sheegay in sarkaal Cabdixamiid uu qorsheynayo inuu dalka uga fakado si degdeg ah iyadoo loo heysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn oo uu ku kacay sida ku xadgudubka Madaxda qaranka, isla markaana uu lunsaday hanti qaran oo uu diiday inuu dib u celiyo.

Amarkan ayaa imaanaya iyadoo xaaladda xafiisyada Farmaajo iyo Rooble ay mar kale isu bedeshay dagaal buuxa oo siyaasadeed, xilli kastana isu bedeli kara mid milateri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON