Xukuumadda Soomaaliya ayaa ciidamada ku sugan Gobolka Hiiran ku amartay inaysan ku lug yeelan xiisada ka taagan Gobolkaasi, kana qeyb gelin wixii khalkhal gelinaya amniga.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay dowladda Somalia ay ka xun tahay shaqaaqadii ka dhacday duleedka magaalada Beledweyne, wuxuuna ka tacsiyadeeyay dilka Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ku sugan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne ayuu faray inaysan ka qeyb gelin tallaabooyinka khalkhalka gelinaya Aamniga ee keeni kara dhibaato amni darro.
Wasiir ku xigeenka Amniga dowladda Soomaaliya ay shaaciyey in Guddi loo magacaabayo shaqaaqada ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee lagu dilay Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.