Monday, July 7, 2025

Xukuumadda Somalia oo bilowday fulinta tallaabo looga jawaabayo xayiraadda Visa-ha ee Kenya kusoo rogtay (Akhriso)

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilowday fulinta tallaabo looga jawaabay xayiraadii ay dowladda Kenya kusoo rogtay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo Visa-ha dalkaasi loogu diiday mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku wargelisay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya inaysan ka qeybgeli karin shirarka ka dhacaya magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya, isla markaana waxaa la faray inay ku wargeliyaan hay’adaha Q/Midoobay iyo kuwa gargaarka ee fadhiya Nairobi inay dalal kale u wareejiyaan shirarkooda ku saabsan Soomaaliya.

Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraallo ogeysiin ah u diray hay’adaha ay wada-shaqeynta leeyihiin, iyadoo ku wargeliyey go’aankan. kana dalbaday wixii shirar ah ee Somalia ku saabsan inay u wareejiyaan gudaha Somalia ama dalal kale. Waxaana go’aankii ugu horeeyay kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka, halka wasaaradaha kale ay la wadaageen hay’adaha UN-ka iyo kuwa samafalka.

Jawaabta xukuumadda Somalia ayaa ah mid u dhiganta xayiraadda Kenya oo ahayd mid aan la shaacin, balse lagu fuliyey wafdi wasiiro iyo xildhibaanno isugu jira oo laga soo celiyey Nairobi.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON