Xukuumadda Soomaaliya aya shaacisay in la dilay raggii ka danbeeyay dilkii Ganacsade dhalinyaro ah oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidammada Amniga ay dileen Raggii ka dambeeyey dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, gacantana lagu dhigay Gaarigii iyo Hubkii dilkaas lagu geystay.
Ciidamada Amniga ayaa iska hor imaad la galay dabley hubeysan oo wadatay gaari nooca raaxada ah, iyadoo rasaas ay ciidamadu ku fureen ay ku dhinteen laba dabley ahaa oo gaariga saarnaa.
Lama oga in ragga maanta lagu dilay Muqdisho ay yihiin kuwii geystay dilka Ganacsade Maxamed Sheekh Cali, wuxuuna dilkaasi gilgilay dhalinyarada Muqdisho oo maanta dhigay bannaanbax ay ku dalbadeen in sharciga la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkaasi.
Faahfaahin: Ciidamada Amniga oo magaalada Muqdisho ku dilay Dabley hubeysan oo Gaari wadatay