Monday, July 14, 2025

Xukuumadda Somalia oo shaacisay inay dib u bilaabanayaan wadahadalkii Somaliland & Soomaaliya

Xukuumadda Somalia ayaa ku baaqday in dib loo bilaabo wadahalkii hakaday ee kala dhaxeeyay maamulka Somaliland ee keligiis ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka mida siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay inay dib u bilaaban doonaan wadahadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Wuxuu caddeeyay in doladda Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wadahadalka u socday labada dhinac dib loo bilaabo, si loo dhameeyo khilaafka, isagoo intaas ku daray inay dhageysanayaan tabashooyinka Somaliland.

Warkan ayaa ka danbeeyay baaq uu maalintii 26-ka June soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu diyaar u yahay in xal loo helo tabashada shacabka Somaliland iyo wax kasta oo la isugu soo dhoweyn karo labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON