Saturday, April 20, 2024

Xukuumadda Somalia oo Shirkado Gaara la saxiixatay Qandaraasyada Raashinka & Shidaalka ee Ciidamada Dowladda

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta heshiisyo la saxiixatay shirkado gaara oo qandaraas ku qaatay Raashinka iyo Shidaalka Ciidamada Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Munaasabad lagu kala saxiixday hesiisyada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay wasiirrada Maaliyadda, Warfaafinta Amniga iyo Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo la sheegay in heshiisyada loo maray dariiq sax ah oo tartan furan loo maray, ayna kasoo shaqeysay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskani ku tilmaamay mid horseedi kara kalsooni dhexmarta bulshada iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. wuxuuna sheegay inuu soo maray Hab-raaca iibka Qaran ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ad

Heshiiska waxaa ciidamada Booliska iyo NISA u saxiixay Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow, halka Ciidamada Milateriga uu u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed, Shirkadaha ku guuleystay Qandaraasyadan ayaa la shaacin, waxaana hor u heystay shirkado ay ku lug leeyihin xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON