Friday, July 11, 2025

Alshabab oo Beelaha Xawaadle & Abgaal u kala qaaday Diyada 600 Geel ah oo Lacag lagu qiimeeyay. [Sawirro]

Al-shabaab ayaa xaflad u qabatay beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo la kala wareegay diyadda Lix Nin oo ay qaab beeleed isaga dileen, iyadoo kala qaatay Diyo 600 Halaad ah oo lagu qiimeeyay Lacag ahaan.

Waa diyadii ugu kharash badneyd oo hal meel lagu bixiyo, inkastoo 600 oo neef geel ah la kala qaatay iyadoo neefkii Geella ahaa lagi qiimeyay $400, waxayna xafladan ka dhacday degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan oo ah xarun weyn oo Alshabaab saldhig weyn ku leedahay.

Waxaa goobta laga sheegay in in lasoo afjaray colaaddii u dhaxaysay beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo in mudo ah ku dagaalamayey gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. Beesha Abgaal ayaa laga rabay Diyada qof rag oo gaaraya 100 Neef oo Geel ah, laguna qiimeeyay qaadatay 40,000 Doolar diyadiiba, halka Beesha Xawaadle ay bixisay 500 Beef oo Geela oo ah diyada shan oo u dhganta 200,000 Doolar.

Waxaa goobta ka hadlay odayaasha labada beelood oo soo dhoweeyay diyada la kala qaatay ee lagu sameeyay shareecada islaamka, waxayna si buuxda u taageereen Alshabaab.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON