Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP ayaa kala saxiixday heshiis socon doona sanadaha 2018 ilaa 2021, kaasoo loogu tala galay in lagu hormariyo Garsoorka dalka.
Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysa xafiiska UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM iyo Hay’ada UNDP. Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN ka u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
Peter de Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahad celiyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay, isagoo u mahadceliyay dalalka Sweden, Netherlands iyo Midowga Yurub oo door weyn ku lahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UN-ka ah ayaa ka qayb qaatay.
Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka Dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa,Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.
“Qorshahaan waxaa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geestay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee Unsom iyo UNDP waxaa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga, gudiga la dagaalanka musuq maasuqa, Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale“ ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya.