Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku heysa website lagu sameystay magaca Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Website-kan ayaa cinwaankiisu yahay: hassankheire2020.com, waxaana laga hadal hayey baraha bulshada, iyadoo warbaahinta qaarkood ay u fasireen olole doorasho iyo khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa soo baxday inuu yahay mid ay sameysteen kooxo dagaal siyaasadeed kula jira Kheyre iyo Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in Wasaaradda Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ay wado baaritaanka lagu bilaabay cidda ka danbeysa sameynta website-kan oo la sheegay in qofka sameystay uu is qariyey , balse magaca iyo hosting-ka laga diiwaan geliyay shirkadda Amazon Web Services (AWS) xarunteeda dalka Jarmalka.