Saturday, June 28, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Howlgal Culus oo laga fulin doono Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey magaalada Muqdisho uu ka bilaaban doono Howlgallo culus oo dhinaca amniga ah.

Wuxuu sheegay in howgalka loo diyaariyey Ciidamada Xasilinta ee la balaariyay oo gaaraya 1000 askari oo ka kala socda ciidamada Milliteriga, Booliska, Nabad Sugidda Asluub, iyo Booliska AMISOM.

Ra’iisal wasaare Cali Khayre ayaa caddeeyay in degmooyinka  Gobolka Banaadir lagu meeleeyay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada.

Howlgalka oo dhowaan lagu dhawaaqay kadib weerarradii Alshabaab ku qaadeen xarumaha Madaxtooyada iyo NISA ayuu mar kale ku celiyey Ra’iisal wasaaraha markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON