Tuesday, June 24, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay inay Amar ku bixisay Daminta adeegga Internetka ee Muqdisho [Sababta]

Warar laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay amar ku bixisay in hawada laga saaro, lana damiyo adeegga Internetka ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku heyso fadhiga xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya yeelanayaan oo xukuumaddu ay dooneyso in xilka looga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tallaabaan ay u qaadatay xukuumadda Soomaaliya inaysan suuragelin in la baahiyo waxa ka dhici doona kulanka Baarlamaanka ee Berri oo laga cabsi qabo inay hareyso muran iyo fowdo ay ku kacaan xildhibaannada iska horjeeda ee labada Garab.

Haddii amarkan dhaqan galo ayaa waxay noqoneysa markii ugu horeysay ee adeegga internerka ee Muqdisho loo xiro arrimo siyaasadeed, iyadoo xildhibaannada qaarkood waxa socda ku tilmaameen inqilaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON