Thursday, June 26, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo xilalka ka qaadeysa 26 Agaasimeyaal Guud [Akhriso]

Xukuumadda Soamaaliya ayaa ku dhawaaqday in la magacaabayo agaasimeyaal cusub iyadoo xilalka laga qaadayo 26 agaasime.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in isbedel lagu sameyn doono Agaasime Guud ee Wasaaradaha.

Kheyre ayaa sheegay in xilalkaasi la xayeysiin doono, isla markanaa loo tartami doono. Isagoo ballan qaaday inuu ka dhabeyn doono balan-qaadkiisa markii uu Baarlamaanka hortagay dadka mustaqbalka dowladda u shaqeynayo lagu soo xuli doono karti iyo hufnaan.

“Waa la xayeysiin doonaa 26 Agaasime ee Wasaaradaha, waxaa loo saari doonaa Guddi Wasiiro iyo dad xirfadlayaal ka socda Bulshada, si hufan oo furan ayaa loo shaqaaleysiin doona dadka ugu mudan..”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiiradiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON