Waxaa maanta magaalada Cadaado gaaray wafdi ay dirtay xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye.
Wafdiga waxaa ka mida xildhibaanno ka tirsan labada gole oo ay ka mid yihiin Senator Yuusuf Geelle Ugaas, Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi iyo xubno kale, waxaana ujeedkoodu yahay soo dhoweynta wafdiga madaxweyne Farmaajo iyo xalinta cabasho ka dhex jirta beesha Cadaado.
Waxaa wafdigan si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Cadaado, iyadoo ay dadweyne iyo mas’uuliyiin ka qeyb galeen soo dhowyntooda, wafdiga ayaa sheegay in in ay Cadaado u yimaadeen Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Dhageysiga tabashada dadka reer Cadaado.