Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa qaaday tallaabo lau saxayo khalad ay hore u galeen Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadii hore.
Golaha Wasiirrada oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia, tallaabadaas oo goluhu isku u codeeyay in ay ahayd khalad.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa inta badan u codeeyay Go’aankan, waxaana wasiirka kaliya ee ka hor yimid uu noqday Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, waxaana ka aamusay wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamse Maxamed Xamse.
Arrintan ayaa ka mida khaladaadkii waaweynaa ee taariikhda u galay Maxamed C/llaahi Farmaajo intuu hayey xilka Madaxweynaha Soomaaliya.




