Golaha Wasiirada xukuumada xilka sii heysa ee ay Kalsoonida kala noqdeen Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeeshay kulan lagu ansixiyey 4 heshiis, laguna magacaabay Guddiyo muhiim ah.
Sida uu Warbaahinta u akhriyay Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta wuxuu Golaha Wasiirada xukuumadda xilka sii heysa ansixiyay heshiisyo dhowr ah oo kala ah:
HESHIISYADA
1- Heshiiska Is-afgaradka maalgashiga Somaliya iyo Turkiga
2- Heshiiska Is-afgradka Dhaqaalaha ee Soomaalia iyo Itoobiya
3- Axdiga Aasaasida Golaha Dowladaha Afrika iyo Carabta ee kulalada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
GUDDIYADA LA MAGACAABAY
1- Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed (waxaa la magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen)
2- Golaha Adeegga Garsoorka oo 5 xubnood ka mida la magacaabay
3- Hay’adda Batroolka Soomaaliya oo 9 xubnood loo magacaabay oo ay ku jiraan Guddoomiye iyo ku-xigeen (Akhriso Magacyada)
4- Waxaa kaloo la magacaabay 4 xubnood oo ka mida Guddiga Farsamada shirka Dhuusamareeb ee hannaanka Doorashada, iyadoo 16 xubnood Guddiyo ka kooban yahay.
Heshiisyada Golaha Wasiirada xilka sii haya ay maanta asixiyeen waxaa kamida Heshiiska Dhaqaalaha ee Somaaliya iyo Itoobiya oo aan weli faahfaahin laga helin sababta xilligan loogu soo beegay.
Guddiyada la magacaabay waxaa ka mida Hay’adda mihiimka ah ee Bartoolka iyo 5 xubnood oo ka mida Guddiga Garsoorka oo ka mid ahaa arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayay, ayna muuqato in lala degdegayo.
Lama oga sida ay sharci ku noqoneyso in Xukuumad xilka sii heysa ay ansixin karto heshiisyo waaweyn, ayna magacaabi karto Guddiyo heer Qaran ah.