Saturday, July 5, 2025

Xuuthiyiinta Yeman oo Gantaallo ku weeraray Magaalada Najraan ee Koonfurta Dalka Sacuudiga

Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yeman ayaa caawa Gantaallo Plastic ah ku weerarray magaalada Najraan ee Koonfurta Sacuudiga.

Laba Gantaal ayaa la sheegay inay Xuuthiyiinta ku rideen magaalada Najraan, iyadoo ciidamada Sacuudiga ay sheegeen inay soo rideen Gantaalahaasi intii aysan soo galin magaalada Najraan oo ay hawada ku burburiyeen.

Dadweynaha magaalada Najraan ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn, waxaana dhinaca Xuuthiyiinta laga soo xigtay inay Gantaalaha la beegsadeen xarumaha dhaqaalaha ee magaalada Najraan.

Xuuthiyiinta Yeman ayaa si joogto gantaallo ugu weerara dalka Sacuudiga, iyadoo inta badan Gantaalaha Patriot  ee Mareykanku siiyay Sacuudiga ay ka hortagaan soona ridaan Gantaalahaasi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON