Sunday, July 13, 2025

Yaa furay Shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ee Afisyoone..?

Iyadoo uu maanta xarunta Afisyoone ka furmay kulan hordhac u ah shirka Wadatashiga Doorashada ayaan waxaa soo baxeysa faahfaahinta shirka oo saxaafadda ay dibadda ka joogto.

Shirka ayaa ugu horeyn waxaa iska xaadiriyey Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda taageersan, waxaana ugu danbeyn Teendhada Afisyoone gaaray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Warbaahinta dowladda ayaa goor dhoweyd shaacisay inuu shirka furay Maxamed C/llaahi Farmaajo, laguna tegay shirka baaqiisa. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Dubbe ayaa sheegay in shirka uu guddoominayo Farmaajo, Ra’iisal wasaaruhuna ka qeyb galayo iyo madaxda maamul Goboleedyada oo dhan.

Wasiir Dubbe ayaa qiray in shirku yahay hordhac, lagana wadahadlayo sidii shirka loo sii anbaqaadi lahaa si dalka doorasho u aado, isla markaana aanay qeyb ka ahayn beesha caalamka.

Afhayeenka Madaxweynaha Puntland oo isna uu war kasoo saaray furitaanka shirka ayaa qoraal kooban ku yiri: “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shir hordhac ah oo dhexmaraya Madaxda Dowladda DFS ee wakhtigoodu dhammaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaasi oo loogu gogol xaarayo Shirweynaha wadatashi oo looga hadlayo arrimaha doorashada.Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON