Sunday, July 13, 2025

Yaa ka dhex muuqan doona Liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Cali Guudlaawe soo saarayo..?

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo saaro liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.

Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu danbeeyay ee qabanqaabiya doorashada Aqalka Sare ayaa laga sugayaa inay liiska musharixiinta kuraasta Aqalka Sare kasoo muuqdaan shaqsiyaad iska horjeeda, iyadoo si xoog leh loogu tartami doono kuraasta taalla Hirshabelle si ka duwan maamul Goboleedyada kale.

Wadahadaladdii ugu danbeeyay ayaa shalay iyo xalay dhex maray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo shalay soo gaaray magaalada Jowhar, waxaana la sheegay inay ka tashanayeen sida laga yeelayo kuraasta beelaha dega Hiiraan, siiba beesha madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Musharixiinta kusoo baxaya liiska uu shaacinayo Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mida: Muuse Suudi Yalaxow, C/llaahi Sheekh Xasan iyo Axmed Caddow Daaci oo ku tartamaya kursi ka mida Aqalka Sare.

Waxaa kursiga labaad ku tartamaya Dr. Cusmaan Xaaji Maxamed (Dufle) iyo Danjire Maxamud Axmed Tarsan, waxaa kaloo lagu tartamayaa ilaa laba kursi oo kale oo musharixiin badan ay u taagan yihiin.

Cali Guudlaawe ayaa furitaankii kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ka sheegay inuusan jirin qof kursi loo xiri doono, ayna doorasho xor iyo xalaal ah ka dhici doonto Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON