Wednesday, July 2, 2025

Yaa ku guuleysan doona Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada FEIT..? (Farmaajo Vs Rooble)

Waxaa maanta lagu wadaa inay Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Guddiga heer Federaal ee FEIT, kaasoo laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay inuu la safnaa Villa Somaliya.

15 xubnood ka mida Guddiga ayaa xilka ka qaaday gudddoomiyihii hore oo isagoo diidan la marsiiyey, waxaana uu isna la haray maamulkii baraha bulshada ee Guddiga oo markii danbe laga soo celiyey markii Xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble soo dhex galay arrinta.

Doorashada maanta waxay u dhaxeysaa musharixiin kala taageersan Farmaajo iyo Rooble, oo taageero ka kala heysta xubnaha Guddiga, waxaana sharxan ilaa 4 xubnood oo qaarkood ay ka hareen tartanka.

Musharixiinta la ogyahay waxaa ka mida Cabdiraxiim Cabdicasiis oo taageero ka heysta kooxda Farmaajo iyo Muuse Geelle oo gacan ka helaya xafiiska Rooble. Waxaa musharax kale Cabdi Xiis udub oo la sheegay inuu isaga haray tartanka.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Mowliid Mattaan ayaa laga dareemay qoraalka Guddiga inuu iska casilayo xilka si uu ugu tartamo Guddoomiyaha, kadibna la wada dooran doono Guddoomiye iyo guddoomiye xigeen, waxaana la sheegay inuu socdo olole lacag lagu bixinayo, iyadoo markii horeba musharaxnimada Guddoonka Guddiga la dul dhigay lacag diiwaan gelin ah oo aad loola yaabay.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkaaday xil ka qaadistii Maxamed Xasan Cirro iyo maquunintii ilaa shan xubnood oo la safnaa, laakiin doorashada guddoomiye cusub oo Guddigu yeesho ayaa ah mid adag oo la rajeynayo inuu kusoo baxo xubin taageersan Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON