Iyadoo lagu wado inay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland maanta ka dhacdo xarunta Garowe ayaa waxaa iska soo daba dhacaya saadaal ku saabsan ololaha doorashada ee xilkan culus loogu jiro.
MUSHARIXIINTA XILKAN U TAAGAN WAXAY KALA YIHIIN:
- Musharax Cabdixakiim Maxamed Axmed “Dooba-daarood”
- Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad
- Axmed Cali Xaashi
Hoolka golaha wakiilada ee magaalada Garowe waxaa ka socota qabanqaabada doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Puntland, iyadoo aad loo hadal hayo musharaxa Axmed Cali Xaashi oo ah nin uu wato Madaxweyne C/weli Gaas, isla markaana la filayo inuu xilka si fudud ugu guuleysto.
Qaabka doorashadu u dhici doonto ayaa la sheegay inay noqoneyso mid sanduuq iyo qarsoodi ah, waxaa socda ololeyaal lagu doonayo in codadka lagula heshiiyo wakiilada, waxayse u badan tahay inuu musharaxa xukuumadda ku soo baxo.
GOOBJOOGE.COM