Monday, June 23, 2025

Yariisow: “Nin kasta oo hogaamiye kooxeed ahaa mar aan fogeyn Maxkamad ayaa la soo saarayaa.”

Guddoomiyaha Gobolka Banadir C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in wareegtadii ay kasoo saareen dhulka Mirinaayada ay sideeda u taagan tahay oo dhulkaasi uu yahay dhul dowladeed, cida laga yeelanaya ay tahay inay qaadato.

“Dhulkaas waa la yaqaan.. waa xeradii Mariinada dhul dowladeed waaye, waa dan guud, cidda ku doodeysa inay dokumenti u heysato maba ahayn in dhul noocaas dokumenti loo sameeyo… Wadankaan wuxuu gaaraa in lala xisaabtamo qof kasta oo denbi ka galay, ninkastoo hoggaamiye kooxeed ahaa.. nin kastoo dad dilay.. nin kastoo hanti boobay,. mar aan fogeyn maxkamadna waa la soo saarayaa umaddana way la xisaabtami doontaa..” ayuu yiri Yariisow oo ha hadlayey Somali Cable TV.

Wuxuu caddeeyay in wareegtada ay soo saareen ay tahay in loo hoggaansamo oo dhulkaasi la banneeyo, balse ay jiraan dad sheeganaya inay dokumenti u heystaan ayna ka codsadeen oo qaarkood la fariisteen si loo eego dokumentigooda inuu sax yahay ama khalad.

Ad

“Cid kasoo horjeesan karto go’aanka aan bixinay ma jirto.. cid is hortaagi kartana ma jirto oo maleeshiyaad keensan karto.. Waa ku dhimaneynaa in dowladnimadan ay hirgasho.. anigana waa iga go’an tahay” ayuu yiri Yariisow.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON