Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kadib markii uu jeediyey khudbad uu ku weerarray madaxweynaha.
Yuusuf Dabageed ayaa ku gacan seyray xil ka qaadista lagu sameeyay, isagoo caddeeyay in reer Hiiraan ay ka tashadeen maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Waare, waxaana magaalada Beledweyne ka taagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadista Yuusuf Dabageed oo hore u sheegay in go’aankiisu yahay mid reer Hiiraan ay gaareen.
Madaxweynaha Waare ayaa Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, wuxuuna ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Yuusuf Dabageed ayaa si faahfaahsan uga hadlay musuqa iyo hoggaan xumi uu ku eedeeyay madaxweyne Waare, waxaana saacado kadib soo baxday xil ka qaadistiisa, iyadoo aan la ogeyn sida uu khilaafkan ku dhammaan doono.
