Sunday, July 13, 2025

Yuusuf Dabageed oo xiray taliyihii NISA ee Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa [Akhriso]

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar(Daba Geed) uu  xabsi u taxaabay saraakiishii nabadsugidda Gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta NISA ee la xiray ayaa kaal ah taliyihii Nabadssugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali iyo Ku xigeenkiisa oo magaciisa lagu koobay Dhagaweyne, iyadoo aan la sheegin sababta loo xiray iyo arrimaha loo heysto.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay cabsi ka jirto, markii la dareemay in ciidamada saraakiisha la xiray laga dareemay inay wadaan dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan inay ku soo daayaan saraakiishaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa tan iyo intii la magacaabay qaaday tallaabooyin uu doonayo inuu awood ku qabto maamulka Gobolka Hiiraan, isagoo hore u xiray shaqaale ka tirsan waaxda maaliyadda ee Gobolka Hiiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON