Tuesday, October 4, 2022

100-ka Maalmood ee Xasan Sheekh iyo Xafiiska Madaxweynaha: Caqabado hareeyay horumarkiisa

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa mar kale xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay saacadihii hore 16 May 2022, wuxuuna taariikhda ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee mar kale la doorto.

Si kastoo ay ku timid guushiisa, wuxuu ku laabtay xafiiskii Villa Somaliya oo uu ka tegay 5 sano ka hor, isagoo xilka la wareegay 23 May 2022, tododbaad kadib markii la doortay, wuxuuna ka dhaxlay Maxamed Farmaajo oo xilka ku dhammeysatay qalalaase doorasho, amni xumo iyo xaalad abaareed oo dalka ka taagan.

Rajo badan ayaa laga qabay Xasan Sheekh inuu isla markiiba u howlgeli doono dhaqaajinta dowladnimada iyo arrimaha hor-tebinta leh ee horyaalla, isagoo lagu tebayey khibrad iyo inuusan xafiiska ku cusbeyn oo qabyadiisii uu durba dhammeystirkeeda bilaabi doono.

Ad

100 kii maalmood ee ugu horeysay xafiiska, madaxweyne Xasan muddo xileedkiisa labaad, wuxuu bilaaabay fulinta ballanqaadkiisii uu ololaha doorashada ku galay: “Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, wuxuuna qorshihiisa ku bilaabay:

ARRIMAHA DIBADDA

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu shaqadiisa koowaad ka dhigtay arrimaha dibadda. Wuxuu tegay dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Jabuuti, Masar, Kenya, Tanzania iyo Uganda, wuxuuna dib usoo celiyey xiriirkii dalalka Imaaraadka iyo Kenya oo aad u xumaaday xiligii Farmaajo.

- Advertisement -

Guusha uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka gaaray arrimaha dibadda oo ahaa tan ugu weyn waxqabadkiisa 100-ka maalmood, waxaa hareeyay xiriirka dowladda Federaalka iyo Itoobiya oo aanay u suuragelin inuu tago. Waxaa sidoo kale si farsamo xumo ka muuqato loo maareeyay socdalkisii dalka Masar Itoobiya.

Waxaa xaaladda uga sii daray, markii Dowladda Itoobiya ee Abiy Ahmed hoggaamiyo ay xiriiro toos ah la sameysatay maamul Goboleedyada K/Galbeed iyo Puntland. Saraakiil Sare oo Itoobiyaan ah ayaa tegay labadaas maamul, sidoo kale waxaa Itoobiya booqday Madaxweynaha K/Galbeed Lafta-gareen.

GURMADKA ABAARAHA

Arrinta labaad ee ugu weyn waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka dhigay gurmadka Abaaraha dalka ka jira, wuxuuna markii uu xafiiska tegay maalin kadib u magacaabay C/raxmaan C/shakuur Ergeyga Abaaraha u qaabilsan.

- Advertisement -

Dalal badan oo madaxweynaha iyo ergeygu tageen ayaa kaalmooyin laga raadiyey, waxaana dalkii soo jawaabay ee ugu horeeyay uu noqday Imaaraadka Carabta, balse maamulka Gargaarka iyo cidda leh mas’uuliyadda ayaa jaha-wareer ka dhashay.

Ergeyga magacaaban, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiyada Abaaraha ayaa is barbar yaac laga dareemay, taasoo hareysay horumarkii laga gaaray dhinacaasi, kadib markii la baab’iyey wasiiradii gargaarka, waxaa arrinta la wareegtay wasaaradda Arrimaha Gudaha, inkastoo ay jiraan Guddiyo uu midkood madax u yahay Ra’iisal wasaaraha oo weli abaaraha qaabilsan.

Gargaar diyaarado yaryar lagu daabulay oo mid ka mida uu dhaliyey dagaal ka dhacay magaalada Boosaaso, markii ay ka degtay diyaarad ay la socotay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa soo shaac bixisay maamul xumida jirta, sida ay u liidato wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul Goboleeyada.

AMNIGA IYO DAGAALKA ALSHABAAB

Arrinta saddexaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhigtay waxqabadkiisa ugu horeeya waxay noqotay Sugidda Amniga iyo Dagaal lala gelayo Alshabaab, wuxuuna dalka Turkiga uga dhawaaqay inuu Alshabaab ku qaadayo dagaal milateri iyo mid dhaqaale.

Nasiib darro, tallaabada kaliya ee ficilka ah ee uu Xasan Sheekh u qaaday dhinaca Amniga waxay ahayd magacaabidda Agaasimaha Hay’adda NISA, kaasoo xitaa aan lala sugin dhismaha Golaha Wasiirada, loona dhiibay saaxiibkiis Mahad Salaad.

Inta Madaxweyne Xasan Sheekh Alshabaab ugu hanjabayey dagaal uu la gelayo, waxay Alshabaab kordhiyeen dilalkii qorsheynaa, qaraxyadii iyo weerarradii waaweynaa, waxayna weerar aan hore loo arag ku qaadeen Degaanka Soomaalida Itoobiya, sidoo kale waxay qaraxyo ka geysteen magaalooyinka Muqdisho, Marko, Baydhaba Jowhar iyo kuwa kale.

Alshabaab ugu danbeyn waxay weerarkii ugu cuslaa ee Gudaha Soomaaliya, kaasoo qaatay ku dhowaad ku qabsadeen Hotelka Xayat ee magaalada Muqdisho. Weerarkan wuxuu dibadda u soo saaray diyaargarow la’aanta iyo inaanu Madaxweynaha ahmiyad weyn siinin arrimaha Amniga.

Arrinta Amniga iyo Alshabaab waxay hareeyeen horumarka uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna dadka ku rideen niyad-jab lah inuu mari doono si la mida ballanqaadyadii dowladihii hore ee aan waxba ka suuragelin.

ARRIMAHA HORTEGINTA LEH EE UU KA GAABIYAY MADAXEYNE XASAN SHEEKH

100-ka maalmood ee ugu horeysay madaxweyne Xasan Sheekh intii uu Villa Somaliya kusoo laabtay waxay muujineysaa inuu ka gaabiyey arrimo hor tebin lahaa sabab kasta ka keentee, waxaana ka mida:

1- Amniga: Marka laga rebo Hay’adda NISA, ma jiro wax isbedel ah oo lagu sameeyay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo maamulka Gobolka Banaadir, arrintan oo noqotay dalabka shacabka qaarkood.

Dib u habeynta hoggaanada ciidamada, isku xirka iyo howlgelin keeni karta in Alshabaab la wajaho waa arrinta ugu mudan ee Madaxweyne Xasan Sheekh looga fadhiyo xilligan oo astaan u noqon doonta waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo.

2- Arrimaha Gudaha: Waxaa hoos u dhacay xiriirka maamul Goboleeyada iyo dowladda Xasan Sheekh. Taageeryaasha Odayga waxay bilaabeen olole ka dhan ah madaxweynaha K/Galbeed oo lagu riixayo inuu mucaarad noqdo. Puntland oo arrimo ka dhashay doorashadii uga fogaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqotay in mar kale la raadiyo. Axmed Madoobe oo muddo kororsi sameystay, waxaa Xasan Sheekh laga sugayaa inuu wajaho, iyadoo dadka qaarkii ay la tahay inuu hormariyo ‘Soomaali heshiis ah’ inta aan la gaarin inay ‘Dunida hesiis la noqoto’.

Kalsooni iyo wada-shaqeyn dhex marta dowladda Federaalka waa furaha Soomaali heshiis ah oo lagu gaari karo horumar laga gaaro Amniga, dhammeystirka Dastuurka iyo Wadajir loo wajaho Alshabaab.

3- Xukun isku koobid: Wuxuu Xasan Sheekh ololihii doorashada ku ballanqaaday inuu wato Tareen dadka dhan wada qaada oo aysan jirin xanta suuqa loo mariyey ee ahayd in ‘Gaarigiisu buuxo’ oo macnaheedu yahay in siyaasiyiinta xisbigiisa kaliya uu xukunka ku koobi doono marka uu Madaxweyne noqdo.

Marka la eego sida lagu magacaabay xilalka Golaha Wasiirada, Madaxtooyada iyo Agaasimaha NISA, waxay caddeyn u tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kaliya xilalka muhiimka ah u magacaabayo xubno ka mida xisbigiisa ama uu kalsooni gaara ku qabo.

Arrintani inkastoo ay dhinac ka fiican tahay, haddana dhinac kale waxay keentay in maamulka dalka ay isku koobto koox yar oo xisbi ah. Waxay kaloo sabab u tahay inay waqti dheer qaadato magacaabidda mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda. Tusaale ahaaan waxaa saddex bilood kadib xilalka sii taliyeyaal iyo madax sare oo og inay xilka laga qaadi doono, waxqabadkooduna liito.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saaran waajib aan ka culus madaxdii ka horeysay ee uu ka midka ahaa khibradda uu leeyahay darteed, mana heli doono cudurdaar haddii uu hoggaankiisa oo mar kale Madaxtooyada Soomaaliya yimid ku fashilmo rajadii lagu doortay ee looga fadhiyay.

GOOBJOOGE.NET

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON