Waxaa lasoo gabagabeeyay wareegii saddexaad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Wareega saddexaad waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah:
1- Xasan Sheekh Maxamuud (Madaxweynihii 8-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya)
2- iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo (Madaxweynaha xilka ka degaya ee 9-aad).
Natiijada la ogaaday ayaa muujineysa inuu Xasan Sheekh helay codad aqlabiyad ah oo dhan 214, halka uu Farmaajo ka helay 110 cod. Xasan Sheekh ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay ee mar kale xilka mar labaad loo doorto.