Madaxweynaha maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed oo socdaal dhowr maalmood qaatay ku joogtay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulkiisa.
C/kariin Guuleed oo la filayay in Itoobiya la kulansiiso madaxweynaha Ahlu Suna Sheekh Axmed Shaakir taasoo aan dhicin ayaa markii uu ku soo laabtay magaalada Cadaado wuxuu saxaafadda u sheegay in magaalada Addis Ababa ay dowladda Itoobiya isla gaareen in la xoojiyo xiriirka Galmudug iyo Itoobiya, ayna Itoobiya ka teegeeri doonaan sidii degaanada Alshabaab ka heysto maamulka Galmudug looga xoreyn lahaa.
Wuxuu intaas ku daray madaxweynaha Galmudug in Itoobitya uu kasoo helay laba balanqaad oo ah: inay ka taageeraan dhinaca ciidamada iyo xoreyna degaanada Alshabaab heysato iyo inay gacan ka geysan doonto sidii kooxda Ahlu suna ee heysata Dhuusamareeb iyo Guriceel loogu biirin lahaa maamulka Galmudug.
Goobjooge.com