Sunday, July 13, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Gaalkacyo iyo ciidamada Galmudug oo la wareegay goobihii dagaalka

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaara magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo saaka dagaal culus ku dhex maray ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya inay rasaastu istaagtay labada dhinac iminka balse  qasaare xoog leh uu dagaalkaasi geystay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan  Galmudug ay la wareegeen saldhiga booliska iyo koontaroolkii dagaaladu ka dhaceen welina ay is fadhiyana ciidamada labada dhinac.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegay in la qaadi waayay xaalada dagaal iyo ciidamada is hor fadhiya dartood, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in dhimashadu gaareyso 10 iyo dhaawac ka badan 20 kale.

Xaaladda ayaa aad u cakiran magaalada Gaalkacyo wuxuuna dagaalkani ka danbeeyay wado maamulka Puntland ay doonayeen inay mariyaan gudaha xadka magaalada kala qeybiya oo dhinaca kale ay ka hor yimaadeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON