Sunday, July 13, 2025

Galmudug oo war kasoo saartay dagaalka Gaalkacyo & askar laga qabtay Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug iyadoo Puntland ku eedeeyay inay dagaalka soo qaaday.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ay soo qaadeen Ciidamada Maamulka Puntland sida uu yiri, isla markaana lagu jebiyay ayna gacanta ku hayaan Labo Askari oo Dhaawac ah oo ay ka qabteen cidiamada Puntland.

Wararkii ugu danbeeyay ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaastah goosgoos ah ka dhaceyso aagga dagaalka ee labada ciidan ay isku hor fadhiyaan ee  Koontoroolka xaafadda Cagar weyne ee Magaalada Gaalkacyo.

Ilaa hadda waxaa la sheegay in ku dhowaad 8 ruux ku dhinteen, dhaawacuna ka badan  yahay dagaalkii saaka ka dhacay Gaalkacyo, waxaana soo baxaya baaqyo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON