Thursday, July 17, 2025

Socdaal Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa magaalada Beledweyne oo xayiran

Socdaal uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa u xayiran xaalada kacsan ee ka taagan magaalada Beledweyne kadib xiisadii ka dhalatay sarkaalkii u shaqeynayay hay’ada miine baarista Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo hadda ku sugan Muqdisho.

Safarka madaxweynaha oo dib u dhac ku yimid ayaa ujeedkiisu ahaa inuu odayaasha dhaqanka Hiiraan, gaar ahaan beesha ugu tunka weyn ka dhaadhiciyo in shirka maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan gogoshiisa la dhigo magaalada Jowhar, arrintaas oo xildhibaanada beelaha Xawaadle iyo Abgaal ay ku heshiiyeen.

Lama oga safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Gobolka Hiiraan halka uu ku dambeyn doono, waxaase muuqata in arrintaasi ay caqabad ku noqotay qorshihii madaxweynaha xilli guddoomiyihii Hiiraan Muqdisho loo keenay in lagu dejiyo xaalada kacsan ee magaalada Beledweyne.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON